Faahfaahintii u dambeysay— Ciidamada Amniga Oo Gaalkacyo awood u adeegsadey koox ka Ganacsata Khamriga

Ciidamada Amniga Puntland ayaa Xalay weeraray koox ka ganacsaneysay Khamriga kuwasoo iyana hubeysnaa., Rasaas la is waydaarsadey ayaa waxaa ku geeriyoodey Laba Qof oo mid Dumar yahay.

Saaka waabarigii ayaa markale ay Ciidamadu ay howlgal ka sameeyeen Xaafada Garsoor, Waxaana lagusoo qabtay Afar Qof oo looga shakisan yahay iney qayb ka yihiin kooxo ka Ganacsade Maandooriyaha.

Ciidamada Amaanka iyo Booliska ayaa sheegay in Howlgalkaan ujeedkiisu uu yahay in Magaalada laga sifeeyo kooxaha ka Ganacsade Maandooriyaha, mana aha markii u horaysay ee Howlgalkaan ay Ciidamadu sameeyaan inkastoo Howlgalkaan Xalay bilowday uu ahaa mid Kooxo hubaysan ay Ciidanka ka hor yimaadeen, Lhasaarana soo gaaray Dad rayid ah oo ka agdhowaa.

Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa taageeray howlgalka lagula dagaalamayo Mukhaadaraadka iyo kuwa ka Ganacsatada.

Puntlandi.com

gaalkacyo


Puntlandi.com Gaalkacyo

<