Dhuusamareeb .. Nuxurka Khudbadihii furitaanka Shirka, iyo Wajigii labaad oo bilaabanaya

Waxaa lasoo afjaray khudvadihii Shanta ahaa ee Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu ay ka jeediyeen Furitaanka Shirka Wadatashiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxda waxay hoos kawada xariiqeen in Shirkaan looga arinsanayo Doorashada Soomaaliya iyo Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Waare ayaa khudbadiisa ku adkeeyey in Dastuurka Federaalku uu yahay gundhiga Dowladnimada isla markaadna loo bahan yahay in lagu adkeysto ku dhaqankiisa.

Madaxweynaha Martida loo yahay Axmed Kaariye Qoorqoor wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirkaan uu noqon doono mid taariikhi ah ayna kasoo bixi doonaan wax wax ku ool u ah Xaalada hada taagan iyo Mustaqbalka Umada Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha kale waxay kacsinaayeen in Shirkaan ay kasoo baxayaan wax Dan u ah Umada Soomaaliyeed iyo in Doorashada 20/21 ay wakhtigeeda ku dhacayso isla markaasna ay taladeeda aysan koox gaara yeelan karin, Waxaana lhudbadohooda ka muuqdey in iyaga ay yihiin kuwa Go’aanka ka gaari kara Wakhtiga ay dhacayso Doorashadu iyo Nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karta, Waxaa kaloo hadaladiisa ka dhadhamayay in Beesha Caalamku ay gadaal ka taagan yihiin oo ay dabada ka riixayaan Shirkaan.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad dheer jeediyey wuxuu xusay in ay Dhuusamareeb ay u joogaan oo ay qabanayaan Shaqadii Madaxda Dowlada Federaalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu sheegey inuu ku faraxsan yahay in Soomaali ay aqbashay Federaaliisamka, ayna guul u tahay Reer Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Hirshabeele oo ka hadley meeqaamka Caasimada ayaa wuxuu wax laga xumaado uu ku tilmaamey in Dowlada Federaalku ay Meeqaamka Muqdisho fureen xiligii ugu dambeeyey wakhtigooda, Wuxuuna ku baaqay in si dhab ah looga hadlo Kiiskaan, Wuxuu kaloo carabaabay in Go’aanka iyo Wakhtiga ay dhacayso Doorashadu aysan ahayn Shaqada Gudiga Doorashada.

Waxaa aad loogu mahad celiyey Dowlada iyo Shacbiga Galmudug oo baal cusub u furay Dowlad Goboleedyada isla markaasna aan u kala harin soo dhaweynta Iyo marti galinta Shirka.

Qadada kadib waxaa Galabta bilaabanaya ashirka ay Albaabadu u xiran yihiin ee dhex Mari doona Nadaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Puntlandi.com

Dhuusamareeb

<