Breaking News— Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo Shirka oo labalaariyey

Waxaa si rasmi u socda Wadahadalada Albaabadu u xiran yihiin ee Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, Waxaa Lagu heshiiyey in Shirkaan uu badalo Shirkii. Marka hore ladoonayay in kan loogu gogol xaaro, tasoo keentay in Shirkaan la balaariyo Qodobo muhiim ahna lagasoo dari..

Shirkaan markiisii hore wuxuu ahaa gogol xaar Shirweyne kale, laakiin tan iyo Shalay waxaa dhacay Isbadal weyn oo yimid markii Galmudug ay muujiyeen iney qaadi karaan Masuuliyada Marti galinta Shirweyne dhowr maalmood socon kara, iyo Ciidamadii Ka yimid Puntland iyo kuwa Galmudug oo wadashaqayn wanaagsan iyo isdhexgal muujiyey, kuwasoo soo bandhigay Amaan si weyn loogu kalsoon yahay.

Shalay wax laga badalay Ajandaha Shirka, Wuxuuna Shirku u soconayaa sidaan.

Maanta oo sabti ah waxay ahayd Furitaanka Shirka, Waxaa xigtey Bilowga Shirararka Albaabadu u xiran yihiin oo dhexmaraya Madaxweynayaasha kasoo ilaa caawa soo gabagaboobaya, Beri oo Axada waxaa kulamo. u bilaabayaa Gudiyo farsamo oo Shanta Maamul Goboleed ka socda, kuwasoo soo diyaarinaya Waxyaabihii Madaxweynayaasha kawada hadleen Qoraal ahaan.

Axada Waxaa la filayaa in Casumaad loo diro Siyaasiyiinta Mucaaradka Oo ay u horeeyaan Xasan Sheikh, Shariif Sheikh Axmed, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Waxaa xigi doona oo iyana kusoo biiri doona loona wacayaa Madaxweyne Farmaajo, Raysal Wasaare Kheyre iyo Labada Gudoomiye ee Labada Gole, Aqalka Sare iyo Kan hoose.

Waxaa jira cabsi laga qabo in Madaxweyne Farmaajo uu ka caga jiido Imaatinka Shirka laakiin hadii ay taas dhacdo waxay Madaxweynaha ku noqonaysaa isdaldal Siyaasadeed..

Puntlandi.con Dhuusamareeb

<