Breaking News—Madaxda Maamul Goboleedyada oo durba isku raacay in Labada Gole ee DF shaqo joojin lagu sameeyo

Waxaa si rasmi ah u furmay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay saaka oo Jamce ah ku balan sanaayeen, Waxaana saaka Shir gudoominaya Madaxweynaha Martida loo yahay Qoorqoor.

Warar hordhac ah oo aan soo xuuraaminay waxay sheegayaan in Xalay iyo saaka ay Masuuliyiintu isku raaceen in qashinka lagu daro dhamaan Qodobadii ay soo saareen Baarlamaanka Federaalku Ee ku saabsanaa Doorashada lagasoo bilaabo bishii juun , Waxay kaloo isku raaceen in Laga bilaabo hada aysan Xildhibaanadu aysan ka hadli Karin Arimaha Doorashada ilaa ay Madasha Maamul Goboleedyadu Soo bandhigayso Qorshaha Doorashada oo ay u dhannyihiin dhamaan Saamilayda Siyaasada Soomaaliya.

Qodobkaan waxaa lagu curyaaninayaa oo dhambaal loogu dirayaa Vilka Soomaaliya, Waana qodob si sicad u cadeynaya in Shantaan Masuul ay si cad ula wareegeen Shaqadii Abaabulka Doorashada ee Mudada laga sugayay Xukuumada iyo Goleyaasheeda Sharci dejinta.

wixii kaloo soo kordha kala soco Puntlandi.com

<