Ahmed-yasiin Sooyaan : – Shirka Dhuuso-mareeb waa rajadii qaranimo oo soo noolaatay

Ugu horeyn waxaan shirka wada tashiga dowlad goboleeddada ee maanta ka furmay xarunta Dowlad goboleedka Gal-Mudug ee DHuuso-Ma-Reeb u rajayniyaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo sida loogu han weynyahay ay ka soo baxdo natiijo horseedda in dalka xilligaan kala guurka ah uusan gelin xiisad siyaasadeed iyo qalalaaso keeni kara colaado ka dhex dhaca deegaannada dalka. Waxaa madaxda shirka isugu timid looga baahanyahay inay maanka ku hayaan midnimmada ay muujiyeen inay bilow u noqota dib u soo celinta wada jirkii iyo midnimmadii ummadda ay hoggaamiyaan. Waxaa madaxda shirku u furmay hor yaala in muddada kooban ee uu shirka u socdo ay xal waafi ah o ay ku midaysanyihiin ka gaaraan siyaasadda kel talisnimmada ah ee ay ku shaqayniyaan Madax-weynaha Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha golaha shacabka (Aqalka Hoose) Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, iyo golaha xukuumadda, taasoo haddii aan aan si wada jir ah loga hor tegin khatar ku ah deggenaanta iyo xaaladaha soo kabasho ee uu dalku ku soo jiray intii muddo ahayd.


Waxaa iyadana jira dad badan oo isugu jira wax garad iyo siyaasiyiinta dalka oo rumaysan in shirkaan uu yahay fursad loo baahnaa iyo talaabo ku haboon oo ay madadxda dowlad goboleeddadu qaadeen si dalka looga badbaadiyo qowlaysatonidaamki siyaasadeed ee dalka u burburiyay si ay awoodda siyaasadeed xoog ugu haystaaan. Sida qaybo badan oo ka mid ah dad-weynaha ay qabaan siyaasada noocaas ah ma aysan ku dhiiran kari lahayn madax-weyne Farmaajo iyo kooxdiisa, laakiin ay jiraan xoogag shisheeye oo ay ka heleen dhiirri gelin isugu jirta taageero maaliyadeed iyo ciidan, tasoo markaas u suurto gelisay inay si barer ah u jebiyaan dastuurka iyo wax kasta oo xeer ah oo ay ummaddu dhigatay, iyagoo doonaya inay si xoog iyo awood sheegasho ah ku dumiyaan nidaamka federal-ka isla markaasna ay baabi’iyaan awoodda iyo kaalinta siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleeddada .


Ujeeddada shirku waa
badbaadinta qaranimmada Soomaaliya!


Shanta madax –goboleed waxa maanta isugu keenay shirkaan ma ahayn in laysugu yeeray, mana ahayn mid ku yimid codsi gaar ah oo midkood uu soo jeediyay, laakiin waxaa jiray xanun gaar ah oo ay isku si u dareemeen oo salka ku hayay mas’uuliyadda iyo xilka ka saaran dalka. Waxay arkayeen in muddada 4ta sano wax dhiman ee ay dalka hoggaaminayeen Madax-weyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wazaare Khayre ay dalka u horseedeen xaalado mugddi geliyay mustaqbalka soo kabashada iyo horumarka ay ummadda filaysay in lagu tilaabsado, waxaana arrimaha uga sii daray markii uu Madax-weyne Farmaajo shaki weyn geliyay kaalinta awoodda siyaasadeed ee dowlad goboleeddada ee uu damcay in si amar ku taaglayn ah uu uga xayuubiyo awooddaas sharciga ahayd ee uu siiyaya dastuurka. Madax-weynaha inuu aqoonsan waayo awoodda madaxda dowlad goboleeddadu ayaa inta badan sabab looga dhigaa faham yaraan ka haysatay xagga dastuurka, la taliyeyaasha uu soo dhoweystay oo badankood ahaa kuwo dano gaar ah oo ay wadaagaan iyaga iyo madax-weynaha ka hor marinayay xeerarka dalka, iyo isagoo dareemayay inuu haysto taageero awoodeed si gaar ahna isugu haleyniyay heshiisyo qarsoonaa oo uu la galay Colonel Abiy Axmed.


Arrimahaas waxaa cadayn u ah duullaanka uu Madax-weyne Farmaajo ku qaaday Dowlad gobleedka Jubbaland oo xubin ka ah dowladda federal-ka Soomaaliyeed, faro gelintii qaawanayd iyo siduu u maamulay Hir-Shabeele, Koonfur-Galbeed iyo Gal-Mudug, iyadoo waliba xilligaan kala guurka ah ee ay soo dhowaatay doorashadii golayaasha dowladda iyo madax-weynaha uu sii wado garab marka xeerarka dalka, ku-tagri-falka awoodda siyaasadda, caga-jugleyntii iyo inuu af duubo kaalintii dowlad goboleeddada oo uu isaga keligii go’aan ka gaaro arrimaha doorashada oo dhan. Fikirka noocaan ah iyo guud ahaan dhaqammada siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaaminayay muddadii uu xilka hayay madax-weyne Farmaajo waxaa khatar weyn galay qaranimmadii Somaaliya, waxaana muuqday inay taladii dalka ka sii baxayso gacanta ummadda Soomaaliyeed, waxaana guud ahaan ummadu ka walaacsantahay ilaa iyo hadda in daqiiqad kasta oo uu sii joogo Farmaajo ay qaranimmada Soomaaliya khatar ku tahay una sii dhowaanayso dhanka halista.


Kheyre iyo Farmaajo waxay isu jiibiyeen “ Doorashada waqtigeedii baa lagu qabanayaa!” Waa-Wareey! Ma la yaabtay hadalkaas?!


Shirkii Khamiista ee Ra’iisal Wazaare Xasan Cali KHeyre iyo golaha waziirrada ay ku yeesheen xiriirka Zoomka waxaa ziyaado ku ahaa oraahdii ahayd in doorashada ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda oo aan iyada horayba looga hadli jirin…waqtigeeda?!… Yaa! Waqtigeeda goorma waayay?! Mase wali lama hubo?! Ha la yaabin inaan sidaas iraahdo, waayo waxay ila tahay inuusan ahayn war lagu kalsoonaado, waana isku day looga jeedo in lagu marin habaabiyo shirka Dhuuso-Ma-Reeb uga furmay shanta Madax-dowlad goboleed ee Soomaaliya, ama waxaa loo qaadan karaa hadal la maqashiinayo waxa Beesha Caalamka loogu yeero, iyadoo laga hor dhacayo natiijada laga baqayo inay shirkaas ka soo baxdo oo waxa ugu weyn ee laga filayo ay tahay go’aan la xiriira in doorashada waqtigeedii lagu qabto! Markaasna arrintu ay noqoto “ Labada wadaad kala qabta ! ”.


Markii ay labada mas’uul ku dhawaaqeen in doorashada waqtigeeda ku dhacayso run ahaantii waxba kama aysan bedelin shakigii laga qabay inay doorashadu dib u dhacayso ama ay dowladdu wado muddo kororsi, mana jirin haba yaraatee cid rumaysatay oraahdaas. Tiro aad u badan oo ka mid ah dad-wenaha ayaa hadalkaas ku tilmaamay ama u arkayay mid ay isaga hadrayeen labada mas’uul, laakiin aan waxba ka duwanayn balan qaadkii uu bishii Juun 22dii 2020k Madax-weynaha Max’ed Cabdullaahi Farmaajo u sameeyay madaxda dowlad goboleeddada isagoo u sheegay inuu joojinaayo doodaha doorashada iyo xeerarka la xiriira ee golaha shacabka ka socday si marka hore talo lagu midaysanyahay meel laysula dhigo hadana uga baxay. Waxaa sidaasoo kale dad-weynaha uga muuqda shirka rajo weyn iyo yididiilo ah in shirkaas madax-dowlad goboleeddad uga furmay Dhuuso-Mareeb xal dastuuri ahlooga gaaro arrimo badan oo isku murugsan iyo cabashooyinka ka taagan kuraas deegaanadoodii laga wareejinayo.


Shirkani indhaha ummadda oo
dhan isagay ku soo jeedaan!…
Yaan marada idinka dhicin!


Durba waxaa laysla dhex marayaa inysan madax-goboleeddada shiraya heshiin doonin, dacaayado iyo warar kulanka Dhuuso-Mareeb ka socda libta loogu diidayo ayaa bilowday in la faafiyo waxaase hubaal ah in waayo aragnimmada iyo bisaylka madaxda shiraysa ay heerkaas aad uga sareyso… si kastaba ha ahaatee madaxda shiraysaa waajibka u horeeya ee saaran waa inay maanka ku hayaan in kulankoodu laga sugayo inuu xal ka gaaro agendayaasha hor yaala ee ay isugu yimaadeen inay si wada jir ah uga wada tashadaan isla markaasna ay ka gaaraan go’aan guud oo ay u dhanyihiin. Si kastaba ha ahaatee musuqmaasuqa hareeyay golayaasha dowladda ayaa u sabab ahaa inuu shirka noocaan qabsoomo, wuxuuna shirkan muujinayaa xil-kasnimo iyo in madax-goboleeddadu ay runtii u soo joogsadeen mas’uuliyad iyo waajibaad ay dadka Soomaaliyeed ka sugayeen.


Shirkan ayaa waxyaabaha laga sugaayo inuu go’aan ka gaaro waxaa ugu muhiimsan :

B▪︎Waqtiga doorashada oo la muddeeyo.

T▪︎Nooca doorashada ay noqonayso.

J▪︎Haddii doorashada lagu qaban waayo waqtiga loo muddeeyay wax lagu talo galayo iyo talada kaga aaddan madax-goboleeddada.

X▪︎Iyo sidii loo dhisi lahaa guddi loo dhanyahay oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada oo la soconaya hab-sammida ay doorashada u dhacayso iyagoo ka ilaalinaya in dowlado shisheeye ay lacago laaluush ah ku bixiyaan iyo guud ahaan musuqmaasuqa. Waxaana la filayaa inuu shirka isla qaadaa dhigo awoodda iyo xeerarka uu guddigaas ku shaqayniyo iyo tirada xubnaha dowlad goboleeddadu ku yeelanay guddigaas.

<