Wararkii ugu dambeeyey ee Caawa iyo Dhuusamareeb,

Caawa Fiidkii waxaa kulmay Madaxda ugu sareysa Dowlad Goboleedyada, kulanku wuxuu ahaa soo dhaweyn iyo iswaraysi guud.

Shanta Madaxweyne waxay yeesheen kulan Albaabadu u xiran yahay, oo socdey ku dhowaad laba saacadood, kadibna Way wada casheeyeen.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.cim helayso waxaa kamid ah in Masuuliyiintu ay islasoo qaadeen Ajandaha Shirka beri subax ay ku balan San yihiin, Laakiin wax go’aan Siyaasadeed ah caawa lama wada gaarin maadaama kulanka caawa uu ahaa oo qura isbarasho iyo isbogaadin Guud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo shir gudoominayay ayaa Masuuliyiinta aad ugu mahadceliyey isagoo sheegay in kulankaan uu bilow u yahay Soomaaliya cusub.

Warar hoose oo aan kulanka caawa ka helnay waxay sheegayaan in In Masuuliyiintu ay isla meel dhigeen Caawa in Natiijada kulankaan ay si wada jir ah uga shaqeeyaan hirgalinteeda, waxayna isla garteen in beri oo Jamce ah uu Madaxweynaha Galmudug uu la hadlo Saxaafada si uu uga warbixiyo kulanka Jamcada iyo Ajandihiisa.

Magaalada waxaa iyana ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kuwasoo uu caawa la kulmay Wasiirka Ambiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana kulan gaara wada yeeshay inkastoo aan la ogayn waxa ay ka wada hadleen.

Isugaynta wararka caawa waxay ku kooban yihiin in Kulanka Masuuliyiinta uu bilowdey, berina loo guda gali doono ajandaha Rasmiga ah, Waxaana wajiyada Masuuliyiinta ka muuqata iney aad isugu dhow yihiin ayna ka mideysan yihiin Siyaasada ay kawada hadlayaan, Dhan ka kalena waxay Muujiyeen in iyaga oo qura ay ka go’do talada Doorashada soo socota iyo wadada loo raacayo. (Nooca Doorasho ee Dalka ka dhaco karta).

Puntlandi.con

Dhuusamareeb

<