War Deg Deg ah— Ajandaha Shirka Dhuusamareeb

Saamilayda Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan aya maanta waxay ku kulmayaan Caasimada Galmudug iyagoo uga arinsanayaa dhowr qodob oo muhiim u ah Siyaasada Soomaaliya ee Mustaqbalka Soo socda.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa Xog kooban ka heshay Qodobada miiska saaran,

-Sida aan xogta ku heyno waxaa ugu muhiimsan oo marka u horaysa Laga wada hadlayaa waa Qodobka ku saabsan goobta Iyo Wakhtiga uu dhici doono shir Guud oo looga arinsan doono Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha amSoomaaliya, Iyo Cida lagu casumayo shirkaas.

-Qodobka labaad ee miiska saaran waa qodob ku saabsan Waxa ay Maamul Goboleedyadu ay ka oranayaa iyagoo ka mideysan Arimaha ku saabsan Khilaafka labada Gole ee Federaalka Soomaaiya iyo Doodihii iyo Sharciyadii ay meelmariyeen Xildhibaanada Aqalka hoose.

-Waxaa Ajandaha kamid noqon doona Qodob u muuqan doona in Maamul Goboleedyadu ay muujiyaan iney ka mideysan yihiin Waxyaabaha kasoo baxa Shirka Dhuusamareeb iyo Shirka hada loo gogol xaarayo iyo iney meesha ka baxdo Maamul hebel baa Villa Soomaaliya la socda.

Ilo Xog ogaal ah ayaa noo sheegey in Shirkaan uu yimid kadib markii ay Maamul Goboleedyadu ay isvtuseen in Dalku uu khatar qarka u saaran yahay.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<