
Dhuusamareeb waxay diyaar u tahay inay qaabilsan Wafuud ka kala imaanaya Soomaaliya daafeheeda, Amaanka meeshii u sareysay ayaa la geeyey, Maadaama Galmudug ay wakhti dheer soo hortaga Gabadha Wali waa curdan, mudo kooban ayay Dhuusamareeb ahayd Caasimada Maamulka.
Madaxweyne Qoorqoor waa Madaxweynihii u horeeyey oo lagu doorto Caasimada Galmudug, Wixii ka horeeyey sanadkii hore Galmudug Masoo dhaafsaneyn Cadoodo.
Sidaas awgeed Madaxweyne Qoorqoor wuxuu heshiis la galay Puntland iyo Jubbaland oo uu u ogolaadey inay Qaybbka noqdaan Amaanka Shirka, Waxayna labadaan Maamul keeneen Ciidan kooban oo ka qayb qaata Amaanka Magaalada.
Ciidamada Galmudug , Jubbaland iyo Puntland waa markii u horaysay oo ay qaab noocaan ah uwada shaqeeyaan, waxayna muujinaysaa oo ififaalo u tahay in Ciidamo Qaran oo Soomaaliya ay yeelato ay soo dhowdahay.
Ciidamada Jubbaland waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweyey Dhuusamareeb , Hoos ka daawo





