Breaking News—Madaxda Maamul Goboleedyada oo shir Albaabadu u xiran yihiin uu u socda

Dhuusamareeb Luuliyo 9,2020- Pi— Magaalada Dhuusamareeb waxaa caawa ka bilowday Shitørkii Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, oo ay ka qayb galayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha. Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xuseen Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Caawa oo khamiista ayaa kulankoodu uu si rasmi ah u bilowday, Shir ay shantaan Masuul ku jiraannoo Albaabada ay isu soo xigteen ayaa hada u socda.

Caawa waxaa la iska waraysanayaa Xaalada Guud ee Dalka iyo sidii ay Masuuliyiintaan ay mowqif mideysan uga yeelannlahaayeen Doorashada Soomaaliya.

Waxay kaloo kawada hadlayaan ajandaha Shirweynaha Saamilayda Siyaasada oo ay ka doodidoonaan Ajandihiisa iyo goobta lagu qabanayo.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Dhuusamareeb

<