Breaking News- Maamul Goboleedyada oo diiday in Madaxweyne Farmaajo uu Video-Teleefoon ahaan uu ku furo Shirka

Dhuusamareeb – Pi- 9 Luuliyo,2020– Xog ay heleen Howlwadeenada Puntlandi.com waxaa xalay burburay wada xaajood u socdey villa Soomaaliya iyo Qaban qaabiyayaadsha Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb

Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya) ayaa dooneysay inuu lhudbad furitaan ah uu ka jeediyo Shirka Madaxweyne Farmaajo, isagoo Muqdisho jooga balse adeegsanaya Zoom (videophone).

Sida aan xogta ku heyno Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa diidey In Madaxweynuhu uu ka khudbeeyey Shirka tasoo ka xanaajisay qaar kamid ah Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha.

Wasiirka Ambiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegey In uu isna si cad u hor istaagay arintaan, Waxaana lagasoo xigtey inuu yiri “Waxay doonayaan iney Wajiga Shirka leexiyaan oo ay u ekeysiiyaan Shir ay iyagu ku lug leeyihiin”.

Xogta aan heyno waxay sheegaysaa in Madaxweyne Farmaajo uu aad u danaynayay inuu La hadlo Madaxda Dowlad Goboleedyada uuna u furo Shirka.

Shirka Ayaa lagu wadaa inuu furmo Galabta , inkasoo beri uu gaari doono, isla berina lagasoo saari doono Warmurtiyeed.

Puntlandi.com

Dhuusamareeb

<