Sawiro, Madaxweynaha Galmudug oo amray in ay Ciidamada Dowlada Federaalku ka baxaan dhuusamareeb

Ugu yaraan 250 Askari oo ahaa Ciidamadii ay Dowlada Federaalku keentay Dhuusamareeb xiligii Doorashadu ka socotay ayaa maanta dib loogu celiyey Muqdisho.

Madaxwrynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa bixiyey Amar ah in Ciidamadaan ay Magalada ugabaxaan 15 saacado gudeheed oo ka bilaabaneysay saaka Aroortii 6:00 Subaxnimo.

Maadaama Magaalada Dhuusamareeb uu ka dhacayo Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa la adkeeyey Amaanka sidaas awgeed ayaa Ciidankaan looga saaray Magalada maadaama ay si toosa iga Amar qaataan Villa Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Amaanka ka qayb qaadanaya oo bedekay Ciidankaan Ciidan ka tirsan Ciidanka Puntland, WXayna si gaara uwada howl galayaan Ciidanka Galmudug.

Waxaa halkaas ka muuqda in Maamul Goboleedyadu ay ka maarmeen Ciidamadii Amisom.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<