Dhuusamareeb iyo maanta, Ciidan hordhac u ah Madaxweyne Deni oo gaaray(Sawiro)

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda qaban qaabada Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Magaalada iyadoo meel walba Ciidan la dhigay.

Waa markii u horaysay oo shir noocaan ah lagu qabto Dhuusamareeb, Ciidan hordhac u ah Imaatinka Madaxweyne Deni ayaa soo gaaray Magaalada kuwasoo qayb ka noqon doona sugida Amaanka Magaalada.

Warar waxaa jira sheegaya in Villa Soomaaliya ay qaban qaabinayaan Arimo ka dhan ah Shirka tasoo keentay in Sare loo qaado sugida amaanka.

Galabta waxaa Magaalada Soo gaaraya Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweyne Puntland halka Madaxweyne. Axmed Madoobe la filayo inuu beri subax yimaado.

Shirku wuxuu soconayaa halmaalin, Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaarshe Qoorqoor ayaaae dalbadey in lala sii joogo ilaa Jamcada, wuxuuna Madaxda ku casumay Casho iyo iskasoo Waraysi ilaa Sabtida socondoona.

Puntlandi.com Dhuusamareeb .

<