Breaking News— Wasaarada Amniga Puntland oo lagu eedeeyay inay khatar galiyeen Amaanka Ciidankii Dhuusamareeb loo diray

Qaar kamida Xildhibaanada Puntland ayaa Wasaarada Amniga Puntland ku eedeeyay kherul Masuul iyo dayac loo geystay Amaanka Ciidankii Dhuusamareeb uga hormaray Madaxweyne Deni.

Wasaarada waxaa lagu eedeeyay inay Baahiyeen macluumaad ku saabsan safarka Ciidanka iyagoon Gaalkacyo ka ambabixin, Waxayna Wasaaradu ay saxaafa u gudbiyeen in Ciidanku uu dhulka marayo isla markaasna ay ku wajahan yihiin Dhuusamareeb, tasoo khatar galinaysa Ciidankaas safarka ah..

Mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Puntlandi.con u sheegay in Sirta Ciidanku oo la bixiyaa ay tahay khatar weyn, Wasaaradu waxay ahayd iney qariyaan safarka Ciidanka, Deegaanadaas ay sii marayaan waxaa ka agdhow Deegaano ay Degan yihiin Al-Shabaab,

Xafiiska Wasaarada Amniga wali kama soo jawaabin eedeyntaan loo jeediyey Wasaarada.

Puntlandi.com Garowe

<