Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyey, bogaadiyeyna Shirka Dhuusamareeb

UNSOM, Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa dhaweeyey Shirka Dowlad Goboleedyadu ku balansan yihiin khamiista inuu ka dhaco Dhuusamareeb.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Ambasador James Swan ayaa sheegay inuu bogaadinayo Shirka, isagoo tilmaamey inuu muhiim u yahay Geedi socodka Siyaasada Soomaaliya iyo Doorashada.

Qoraal kooban oo Barta Twitterka ay soo dhigeen UNSOM ayay isna ku bogaadiyeen Shirka oo ay iyana sheegeen inuu hordhac u yahay Shirweyne looga Arinsanayo Doorashada iyo Dastuurka.

<