Qaar kamida Shaqaalaha Villa Soomaaliya oo u ololeynaya in Madaxweyne Axmed Madoobe lasoo Xiro, kolkuu kasoo dego Dhuusamareeb

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.con ay ka helayaan ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in qaar kamida lataliyayaasha Madaxweyne Farmaajo ay qorshaynayaan in la khashkhashaado Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ciidan Ka Amar qaata Dowlada Federaalka kuwasoo ay doonayaan inay u adeegsadaan waxyaabo lagu fashilinayo Shirka Maamul Goboleedyada.

Wararkaaan helayno waxaa kamida in qaar kamida Siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbaland ee gacan saarka laleh Villa Soomaaliya ay Codsadeen in lasoo xiro Madaxweyne Axmed Madoobe markuu kasoo dego Dhuusamareeb .

Wararka aan Kismaayo ka helayno waxay sheegayaan in Amaanka Madaxweynaha aan wax Xabsiyada laga qabin, wuxuu sii kaxaysanayaa cutub ka mida kumaandooska Jubbaland oo ay si gaara u wada dhaqaynayaan Ciidamada Amisom ee ku sugan Dhuusamareeb, Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa intaas u sheegay Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

<