Daawo Madaxweyne Deni oo Madaxda sare ugu baaqay iney Sharciga illaaliyaan

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Gudoonka Golaha Shacabka inuu ka laabto hadaladiisii Dastuurka ka hor imaanayay ee ku saabsanaa In Aqalka Sare uusan wax shaqo ah ku lahayn Arimaha Doorashada.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in hadalkaas uu ahaa mid si cad Dastuurka uga hor imaanaya, wuxuu kaloo raaciyey Oo uu yiri “ Ma filayn in Gudoomiye Mursal uu hadal noocaas ah uu maskaxdiisa ku jiray”.

Hadalka muranka Dhaliyey ee Gudoomiye Mursal uu yiri wuxuu u yiri aadaan..”Aqalka Sare wax shaqo ah kuma laha Arinaha Doorashada, Anaga awalba isaga yeeri jiray, hadase looma baahna”

Hoos ka daawo Khudbadii Madaxweyne Deni

<