Xog- Xasan Sh. Iyo Sh. Shariif oo ku gacan sayray codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo

Warar dheeraada oo aan ka helayno kulankii Xalay dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo uu la socdey ku xigeenkiisa Muuday iyo Labadii Madaxweyne ee Hore Xasan iyo Dhariif ayaa sheegaya in kulanku uu natiijo la’aan kusoo dhamaadey.

Hogaamiyayaasha Baarlamaanka ayaa waxay Fariin ka wadeen Madaxweyne Farmaajo, Fariintasoo ahayd in ay Villa Soomaaliya kula kulmaan Madaxweynaha Farmaajo, Iyo Gudoonka Baarlamaanka, balse codsigaas ka yimid Madaxweyne Farmaajo waa ay diideen Labada Madaxweyne hore.

Sida aan xogta ku hayno Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa ka carooday fariinta ka timid Madaxweyne Farmaajo wuxuuna u sheegey Gudoonka Baarlamaanka uusan mardambe la kulmayn Hadii ay Fariin noocaasa soo qaadaan, hadalka Xasan Sheikh oo caro ka muuqata wuxuu u muuqdey mid uu Gudoomiyaha ku xasuusinayo inuu horay u diiday kulanka Farmaajo.

Shariif Sheikh Axmed ayaa lagusoo waramayaa inuu Gudoonka Baarlamaanka uu u gudbiyey Fariin cad oo ah , Doorashadu inay wakhtigeeda ku dhacdo iyo in Xukuumadu ay Shacabka u sheegta Doorashada iyo macluumaadkeeda hadii kale ay iscasilaan.

Kulanka Xalay dhex maray Masuuliyiinta ayaa ahaa mid aad u xasaasi ah, Madaxda Xisbiyadu waxay Xalay muujiyeen inaysan aqbalayn Fariin dambe oo Farmaajo ka timaada.

Puntlandi.com Muqdisho

<