Gabar yar oo la gawracay oo laga helay Gobolka Galgaduud

Meel u dhow Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga helay Meydka Gabar yar oo 11 iyo bar jir ah , oo la gawracay.

Caisha Maxamed oo 11 iyo bar jirta , waxaa meydkeeda laga helay geedo dhexdeed iyadoo gacmaha iyo lugaha ka xiran Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Warkaan naxdinta badan ayaa durba gaaray Guud ahaan Gobolka Galgaduud, Ciidamada Amaanka Galmudug iyo Saraakiil ayaa goobta gaaray oo baaritaan ku wada.

Falalkaan foosha xun ee loo gaysanayo Caruurta Diomaaliyeef ayaa waayadaan dambe Dalka kusoo badanaya, Mana jiraan qorshayaal looga hortagayo oo Maamulada Dalku ay sameeyeen ama ay kawada shaqeeyaan.

<