Xildhibaan ka tirsan Hirshabeele oo Balcad lagu dilay

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo loo yaqaanay “Xuurshow” kana tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu dilay Duleedka Magaalada Balcad kadib markii kooxo hubaysan ay afduubteen.

Dilka Xildhibaanka waxaa durba sheegtay Al-Shabaab sida lagasoo xigtey Saraakiil ka tirsan Maamulka Hirshabelle, Wada u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad ayaa Xildhibaanka laga afduubtay kadibna waxaa la xaqiijiyey in la dilay.

Inkastoo uusan Maamulka Hirshabeele aysan wali si rasmi ah uga hadal Dilka Xildhibaanka hadana waxaa la xaqiijiyey in Xildhibaanku uu geeriyooday.

Puntlandi.com

Baledweyne

<