Mudaharaadyo ka bilowday Muqdisho iyo Ciidanka Rasaas ku furay

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday Mudaharaad loogasoo horjeedo Dowlada Federaalka Soomaaliya, kasoo dhaliyey iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amaanka iyo Shacabkii Mudahaarayay.

Mudaharaadku wuxuu saaka ka bilowdey Boondheere , Waxyar markuu socdey syaa Ciidamada Bileysku waxay Rasaas kukala eryeen Dadkii Mudaharaadayay.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan intuu hada socdo Abaabul xoogan oo lagu qaban qaabinayo Mudaharaad weyn.

Shacabku waxay ku Mudaharaadayay Xukuumada, Waxayna Dalbanayaan in Doorasho dhacdo oo aan Wakhtiga Doorashada la dhaafin, Wuxuu ahaa Mudaharaad nabadgaæyo ku socday ilaa Ciidanku ay Rasaseeyeen Shacabkii Mudaharaadayay, “ Waxaa sidaas yiri Cali oo kamid ah qabanqaabiyaasha Mudaharadka.

Ilaa hada ma jiro khasaare soo gaaray Dibadbaxayaasha.

Puntlandi.com

Nuqdisho

<