Ciidamada Amaanka aa qabtay hub iyo Waxyaabaha Qarxa

Howlgal ay Ciidamada Amaanku ka fuliyeen Bosaso ayaa lagu soo qabqabtay Uguyaraan 6 Qof oo looga shakisan yahay iney gacanta kula jireen falal Argagixiso.

Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanku baaritaan lagu sameeyey Dhowr Guri ayaa laga helay Hub iyo Jaakada loo isticmaalo Is-qarxinta kuwasoo ay ka buuxaan Waxyaabaha qarxa.

“Waxaan fashilinay Abaabul Argagixiso oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Shacabka iyo Amaanka Bosaso, howlgalku wuu soconayaa “ ayuu yiri Sargaal ka tirsan Ciidanka.

Magaalada Bosaso waxaa hada ku sugan Ciidan si gaara u tababaran kuwasoo howlgalo ka dhannah Al-Shabaab kawada Gudaha Magaalada.

Puntlandi.com Bosaso

<