Sheekh Cali Wajiis oo sheegay in Dalku halis ku jiro : ” Dalku Heeso iyo Theatar uma baahna ee Doorasho ayuu rabaa “

Shiekh Cali Wajiis oo Xalay khudbad ka jeediyey Hotel Dayac ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Doorashadu wakhtigeeda dhaafto.

Shiikha oo horay uga mid ahaa Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegey in Dalku halis ku socdo hadii aan la qaban Doorasho raali la isaga yahay aysan dhicin.

Wuxuu yiri “Maxamed Siyaad Bare Muqdisho Xabad ka socoto ayuu Tiyaatarka Herso ku daawanayay, Farmaajo wadadii ayuu ku socdaa, Dalka Heeso laguma hogaansho”.

Sheikhu wuxuu kaloo sheegay uguna baaqay Ganacsatada iney doorkooda qaataan, Dalkana aan la sugan inta qaacu isqabsanayo.

Halkan ka fiirso fariinta Sheekh Cali Wajiis

<