Madaxweyne Deni oo la kulmay Gudiga Dhismaha Dekada Garacad

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo waxaa caawa oo Sabti ah ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Gudiga Dhismaha Dekada Garacad.

Gudiga ayaa ka warbixiyay Mashruuca Dhismaha Dekada iyo halka uu marayo, iyo Qorshayasha socda.

Gudigu waxay Warbixinta ku sheegeen i. Wajigii kowaad ee Dhismaha Dekada uu dhamaadey, Wajigii labaadna uu socdo.

Dekada Garacad waxaa ku baxaya Aduun gaaraya 200 Milyan oo Dollar, Waxaana la qorsheynayaa iney noqoto Dekad casri ah oo qalabaysan.

<