Cali Mahdi, Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo Xaalada Dalka ka shiray

Madaxweynayaashii hore Cali Mahdi, Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo caawa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka shiray Xaaladiisa u dambeeyay ee Muqdisho iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka ee lagu murugsan yahay.

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka hayaan kulankaas ayaa sheegaya in Masuuliyiintaan ay qaban qaabinayaan Shir Qaran oo looga arinsan doono Xaalada Dalka.

“Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif ayaa ka walwalsan Xaalada Dalka, waxayna ka cabsinqabaan in Dalku uu ku noqdo burburkii iyo Wadooyinkii foosha xumaa ee lasoo maray,” ayuu Qof ka agdhowaa kulanka oo aanaan magacaabayn.

Masuuliyiintaan ayaa mudo saacado ah uu qaatay kulankoodu mana jiraan tafaasiil ay ka bixiyeen kulankaas.
puntlandi.com Muqdisho

<