Breaking News—Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Maamul Goboleedyada qaarkood ay qaadeceen Shirkii Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Shirkasoo lagu balan sanaa beri oo Axada.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka baaqday ka qaybgalka Shirkaas.

Dhinaca Kismaayo Warar Dublamaasiyadeed oo aan ka helnay Kismaayo waxay iyana sheegayaan In Madaxweyne Axmed Madoobe uu isna qaadacay Inuu Muqdisho aado.

Qaadacada Garowe iyo Kismaayo ayaa imanaysa kadib markii Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inuu fulin waayaynSharuudo ay horay Maamul Goboleedyadu ugu xireen Aqbaldida Shirkaan,

Shirka Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federaalka ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Madaxweyne Farmaajo balse markii Ay Gudiga Doorashadu shaaciyeen inaysan qaban karin Doorasho ayaa waxaa soo baxay madmadow ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uusan daacad ka ahayn in Dalka Doorasho ka dhacdo walhtiga loo qoondeeyay, Shirka uu ku baaqayaa wuxuu Madaxweynuhu sheegay in looga hadli doono Arimaha Doorashada.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<