Ciidamadii Dowlada Federaalku geysay Dhuusamareeb oo maanta dhexdooda is dagaalay

Dagaal mudo gaaban socday oo Xabado farabadan la isku waydaarsadey ayaa wuxuu ka dhacay Gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Ciidamo kawada Tirsan Dowlada Federaalka balse ka howlgala Magaalada ayaa dhexdooda isdagaalay iyadoo la sheegay in Dagaalku uu ka bilowday Awood sheegashada Dowliga ah oo Qolo walbaa doonayaan in iyaga looga dambeeyo Arimaha Ciidanka, Sadex Taliye ayaa Awooda isku haysta sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay xogta ku hayaan.

Ilaa hada laba Askari ayaa ku dhintay Dagaalka , dhawucuna waa Sadex.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<