Dowlada Federaalka oo Bank Aduunka ku cadaadinaysa in lasoo shubo lacago loogu deeqay Soomaaliya, Maxay tahay ujeedku

Baanka Aduunka ayaa Soomaaliya ka caawin doono Kasoo kabashada dhaqaalaha Xumada Shanta sono ee soo socota, lacagtasoo Sanadke Shanta sano ee soo socota, Aduun gaaraya 120 Milyan oo Dollar ayuuna u qoondeeyey.

Wasaarada Maaliyada Ayaa mudo bilo laga joogo waxay daray u qaadey Miisaaniyada Dowlada iyadoo ujeedada ahayd in lacagtaas Baanka Aduunka ay ka helaan Lacag ka badan tii Sanadka 2020 loo qoondeeyey, Waraaq uu Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalku uu u diray Bank Aduunka ayaa lagu xusay in Sare loo qaadey Miisaaniyadii 2020.

Sanadkii 2019 Miisaaniyada waxay ahayd ku dhowaad $340,060149, Sanadkaan Waxaa laga dhigay Aduun ka badan 420 Milyan.

Hadaba Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa Bishii hore waxay Qoraal u direen Bank Aduunka Warqadaasoo looga dalbanayaa Banka Aduunka Lacag kor u dhaafaysa 69 Milyan oo Dollar oo la sheegay inay ka dhiman tahay Miisaaniyada Sanadkaan.

lacagtaas waxay ka dalbadeen Koontadii loo qoondeeyey in uu Banka Aduunku ku kaydiyo lacagta uu Soomaaliya ugu deeqay Shanta sano ee soo socota laga bilaabo sanadkaan 2020, laakiin lacagta ay Dowlada Federaalku hada dalbatay waxay 60%ka badan tahay tii loo qoondeeyey 2020.

Dhaqaalayann ka faalooda dhaqaalaha Soomaaliya, horayna 20 Sano ugasoo shaqeynayay Bankii Dhexe ee Soomaaliya wuxuu Puntlandi.com u sheegay in aysan Macquul ahayn in Banka Aduunku uu Soomaaliya usoo hor mariyo Lacag loogu tala galay Sanadaha soo socda in lagu kaalmeeyo Soomaaliya, Khaasatan lacagtaan waxaa lagu magacaabay in lagu kabayo Miisaaniyada 2020 ilaa 2025.

Dhaqaalayanku wuxuu kaloo carabaabaybin Xukuumada Wakhtigeedu sii dhamaanayo aysan Xaq u lahayn iney Lacagtaas dalbato, Waxaa muuqata in Ujeedooyin kale ay jiraan aysana jirin sabab loogu ordo in Lacagtaas la dalbado.

Miisaaniyada Dowladu soo gudbisay kuma jirto Miisaaniyada Puntland, Soomaaliland iyo Jubbaland, , waxaa kaloo xusid mudan in Miisaaniyada Puntland oo qura ay sanadkii ka badan tahay 350 Milyan oo Dollar,

Marka Lacagaha loogu tala galay in lagu Kabo Miisaaniyada Soomaaliya waxaa xitaa wax ku leh Sadexdaan Maamul Goboleed.,laakiin Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Beyle lacagta uu hada dalbadey oo uu sheegay inay ka dhiman tahay Miisaaniyada Dowlada Federaalka, Waxay ka kooban tahay Guud ahaan Soomaaliya.

Puntlandi.com Garowe

<