Breaking News— Aqalka Sare oo shaaciyey in Hanaankii Doorashada ee Labada Aqal Saxiixeen Mid aan ahayn loo Qaybiyey Baarlamaanka

Waraaq kasoo Baxdey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo gaartay Puntlandi.com ayaa Aqalka Sare ku cadeeyey in Waraaqihii loo qaybiyey Baarlamaanka hoose aysan ahayn Kuwii ay saxiixeen Gudoomiyayaasha labada Aqal.

Warsaxaafadeedkaan maanta kasoo baxay Aqalka Sare Waxaa lagu sheegey in in hanaankiibDoorashada wax laga badaley Waraaqihii horena lagu badalay kuwo cusub oo cid soo diyaarisay aan la aqoon.

Sida ku cad Warqada kasoo Baxdey Aqalka sare waxaa wax laga badalay Qaabka iyo goobta lagusoo xulayo kuraasta Gobolada Waqooyi.

Sida muuqata Waxaa wax laga badalay hanaankiibDoorashada kadib markii ay Saxiixeen labada Gudoomiye ee labada Aqal.

Warar waxaa jira sheegaya in Lagu eedeynayo Xukuumada Federaalka iyo Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada ay ku lug leeyihiin wax ka badalka Xeerka Doorashada.

Hanaankaan Doorashada ee Aqalka Sare qaadacay ayaa hada horyaal Baarlamaanka, waxaana laga doodayaa todobaadkii labaad, laakiin wali looma gudbin Aqalka Sare.

puntlandi.com Muqdisho

<