Wasiirka Warfaafinta Puntland “ Puntland waxay Dagaal kula jirtaa Daacish iyo Al-Shabaab, Soomaaliland yay la dagaalamaan”

Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade,Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabayay hadal kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Saleebaan Yusuf CaliKoore ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ina Cali-kore uu ahaa aflagaado.

Wasiirka Soomaaliland wuxuu ka hadlay Ciidamadii uu Madaxweyne Denibu soo xiray Tababarka oo uu ku tilmaamey 400 oo Askari oo loo tababaray khalkhal galinta Amaanka Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Timacade oo hadalkaas ka jawaabayay wuxuu yiri “ Puntland waxay Dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, Daacish iyo Maleeshiyaad kale, Yay Doomaaliland Dagaal kula jiraan, 1500 oo Askari baa hada rabat markii labaad loo soo xiray, si ay Cadawga Puntland uk dagaalamaan”.

Wuxuu kaloo yiri “ Ina Cali Koor haka hadlo Mashaariicda Laga hor istaagay shalay Gobolka Sool , Ceelashii biyaha ee laga Qodi lahaa Sool waxaa hor istaagay Wasiir Reer Hargeysa ah, wuxuuna u wareejiyey Deegaanadiida, Ceeb intaas Adeer kuugu filan”.

Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu kaloo sheegay in ay awoodo wax walba oo Gobolada Sool iyo Ceynba wax koogubqabanayo.

Halkan ka fiirso hadalka Wasiir Timacade

<