Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in Ciidanku helaan Xaqooda

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay Ciidamadii ka dacwoonayay Mushaar la’aanta ayaa wuxuu Xukuumada ku eedeeyey in la dayacay Ciidamada.

Wuxuu kaloo sheegay in loo bahan yahay in Ciidanku ay helaan Xaqooda isagoo si gaara fariintaan ugu diray Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Axadii ayaa Ciidamo gadoodsan waxay isbaaro dhigteen Daljirka Dahsoon iyagoo kala xiray isusocodkii Magaalada Muqdisho, Ciidamadu waxay sheegeen in mudo sanad ah aysan Mushaar qaadan.

Puntlandi.com Muqdisho

<