Dhisme lagu bilaabay Wadada gasha Xaafada Baraxlay Magaalada Gaalkacyo

Barisamaadkii waxay ahayd mid kamida Wadooyinka halbowlaha u ah Gaalkacyo Wadada dhex marta Suuqa bartamaha Gaalkacyo.

Tan iyo Dagaaladii Sokeeye ka dib waxaa samaysmay Wadooyin kale oo hada Gaalkacyo Halbowle u ah, Wadadaana wax dayactir ah ma aysan helin, waxay gashaa Xaafada Baraxlay oo horay u ahaan jirtay meel a an Amaankeeda cidna gacan ku heyn, laakiin sanadahaan dambe Way kasoo kansalay.

Maamulka Gobolka Mudug ayaa waxay hada bilaabeen dayactirka wada, waxaana lagu wadaa in la saaro laami ilaa Geeska Koonfireed ee Magaalada.

<