Wadada Ceeldaahir oo dhowaan dhameystirmi doonta

Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo shaqo xoogan ka socoto ayaa maanta heshay Agabkii ugu muhiimsanaa ee Wadada lagu dhameystiri lahaa.

waxaa Dekada Bosaso maanta oo Axada ka ambabaxay Gaadiid sida Daanurkii lagu dhisi lahaa Laamiga Ceeldaahir ee Gobolka Bari.

Laamiga saaka loo qaadey Ceeldaahir oo mudo la sugayay ayaa lafdhabar wuxuu u yahay Dhismaha Wadada isku xiri doonta Ilaa Ceerigaabo.

Mashruucaan ayaa noqon doona kii ugu balaarnaa ee Dowlada iyo Bulshada Puntland ay ka hirgaliyaan Deegaanadaan.

Maalmaha soo socda ayaa Wadada lagu bilaabanayaa saarida Daanurka, waxaana la rajaynayaa in dabayaaqada Sanadkaan ay Wadada howlgasho.

Puntlandi.com Bosaso

<