Ciidamada oo maanta ka mudaharaaday Mushaar la’aan Magaalada Muqdisho

Qaybo kamida Magaalada Muqdisho waxaa saaka xiray Ciidan mudaharaadaya oo ka eedsheeganaya Mushaar kii oo aan lasiin mudo bilo ah.

Nawaaxiga Daljirka Dahsoon ayaa kamida Goobaha Ciidamadu ay jid gooyooyinka dhigteen, Waxayna Dowlada Federaalka ku eedeeyeen In aysan bixin Mushaarkii iyo Daryeelkii Ciidamada Qalabka Sida.

Mid kamida Ciidanka oo Saxaafada la hadlay wuxuu Dowlada Federaalka ku eedeeyay in Ciidamo gaara lasiiyo Mushaar iyo Daryeel aysan Xaq u lahayn oo Xad dhaaf ah, halka qaar ka kalena aysanba helin Mushaarkay xaga u lahaayeen.

Eedeyntaan ayaa kusoo aadeysa xili ay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu ay sheegeen in Ciidamadu ay joogto u helaan xaqooda.

puntlandi.com Muqdisho

<