Shirkii Jabuuti oo kusoo dhamaadey i jiijiid iyo natiijo la’aan balse lagasoo saaray Qodobo, Madaxa Ciida looga ceshanayo

Tan iyo Xalay Dowlada Jabuuti ayaa labada Gudi ku khasbaysay inay isfahan iyo natiijo ka keenaan Qodobadii laga ay ka doodayeen Labada Gudi ee Dowlada Federaalka iyo Soomaaliland , Laakiin Wax natiijo ah lagama gaarin, wuxuuna Shirkii kusoo dhamaadey Iyadoo Qolo walbaa ay taagan tahay meesheedii.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka fogaanayay ama Diidanaa guul darada Shirka ayaa labada dhinac ku khasbay in hadii ay ku guul daraysteen in Laga heshiiyo Qodobadii horyaalay Gudiga , aan Soomaalida iyo Beesha Caalamka loo tusin in Shirku guul daraystay sidaas awgeed waxay Labada Gudi door bidern inay yiraahdaan Wadani d afgaranay ayna soo saaraan Qodobo iska raqiis ah oo aan meeshaba ool.

Qodobadii Sadexda maalmood la isku hor fadhiyey waxay ahaayeen

1- Hawada Soomaaliya sida loo maamulayo

2- Deeqda Beesha Caalamku bixiyaan qaabka loo qqaybsanayo, Doomaaliland waxay doonaysay in si toosa ay u hesho Deeqda Beesha Caalamka

3- in Doomaaaaliland ay gali karto Heshiis Caalami ah

4 – Qodob gadaal looga soo daray oo ahaa in Isusocodka labada dhinac aan la siyaasdeyn, Khasatan in Soomaaliland ay joojiso hanjabaada Ddka u shaqada taga Muqdisho.

Qodobadaan waa lagu guul daraystay in Isfahan laga gaaro., Wdahadalkuna qodobadaas ayuu ku sabsanaa.

Si loo daboolo in Shirku uu Guul daraystay waxaa lasoo saaray Qodobo la sheegay in lagu heshiiyey.

Wa kuwaan qodobada

Puntlandi.com

Jabuuti

<