Qatar oo Villa Soomaaliya dhabarka u jeedisay

Waa iska caadi in Dowlada Qatar ay kaarka badalato mar alaale markii Doorashada Soomaaliya ay soo dhowdahay.

Bishii hore ayay ahayd markii Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalku uu Sheegay in Qatar ay wali kasugayaan Kaalmada Corona Virus, isla Wakhtigaasna Waxay Dowlada Qatar ay Adis Ababa ka dejiyeen oo ugu deeqeen Kumayaal Tan oo Deeq Qalabka Corona Virus lagula tacaali ah.

Maanta Waxay Qatar u guurtay Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo ah Cadawga kowaad ee Villa Soomaaliya.

Booqashada Safiirka Qatar uu booqdey Kismaayo waxay muujineysaa in Qatar ay dhabarka u jeediyeen Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qatar waxay maanta u balan qaadey Jubbaland Mashaariic iyo Kaalmo kale.

Hoos ka daawo Sawirada booqashadii Ambasador Hamza ee Kismaayo iyo kulankoodii Madaxweyne Axmed Madoobe

<