Wararkii ugu dambeeyey Wadahadalka Jabuuti

Gudiyada farsamo ee loo saaray Wadahadalka Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa wali isku murankaan Qodobadii ay ka doodayen.

Gudiyadaan waxay kawadahadlayaan oo qura Deeqda Soomaaliya magaceeda lagusoo qaato iyo Hawada Soomaaliya, Gudiyada Way ku adkaatay inay Xal ka gaaraan Labadaan Qodob.

Labada Gudi kama wada hadlayaan Qadiyada Soomaaliland ee Gooni isu taaga iyo Qadiyada Dowlada Federaalka ah ee Midnimada,waxay kawada hadlayaan oo qura Dhaqaalaha iyo Duulimaadyada Hawada.

Qolada Soomaaliland waxay wali ku dhagan yihiin in La saxiixo dhaqan galinta Heshiisyadii Dowladihoi hore wada gaareen, Heshiisyadaas waxaa ku cadaa in Soomaaliland u madaxbanantahay Deeqda Caalamku siiyo Soomaaliya, iyagana si toosa loo siinayo.

Hawada Soomaaliya waxaa horay loogu heshiiyey in Xarunta laga maamulo Hawada ay noqoto Hargaysa.

Gudiga farsamada ee Dowlada Federaalku iyagoo wax u ogolaanaya Soomaaliland waxay soo jeediyeen..

In Xarunta Hawada laga maamulo ay Muqdisho ahaato, sida ay Hadaba u tahay.

In Dhaqaalaha Loogu deeqo Soomaaliya ay Soomaaliland toos u hesho laakiin Heshiisyada Caalamiga ah iyo dhaqaalaha ka yimaada Heshiisyadaas ay wax ka ogaato Dowlada Federaalku.

Gudiga Farsamada ee Soomaaliland waxay saluugeen labaqodob, Way ku qanceen in Deeqdooda ay toos u helaan Laakiin waxay si cad u diideen labada Soojeedin ee Kale, waxayna soo jeediyeen Sidaan.

In Soomaaliland ay u madaxbanaantahay Heshiisyada Caalamiga ah.

In Hawada laga maamulo Muqdisho laakiin Dhaqaalaha Hawada laga maamulo Hargaysa.

Xalay saqdii Dhexe waxaa lakala tagay iyadoon la isku afgaran Qodobadaan, Saaka ayaana dib la isugusoo laabtay.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

<