Breaking News— Wadahadaladii ugu dambeeyey ee Jabuuti oo iyana burburay

Wadahadaladii Kabuuti uga socdey laba gudi oo kakala socda Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa goor dhaweyd lagu kala kacay iyadoon wax natiijo ah la gaarin.

Laba maalin ka hor ayay ahayd markii Madaxda ugu saraysa ay sidaan oo kale ugu kala tageen Jabuuti kadib markuu fashilmay wadahadalkoodii, Si Wadahadalka loo badbaadiyo ayaa labadaan Gudi loo saaray inay is afgarad kawada gaaraan Qodobo dhowra balse iyana wax natiijo ah ma gaarin.

Qodobada la isla Mari waayay oo fashilmay dhaliyey waxaa kamida Deeqda ay Beesha Caalamku bixiyo oo Soomaaliland doonayso in ay sitoosa u qaataan, Maamulida Hawada Soomaaliya iyo Heshiisyada Caalamagi ah.

Dowlada Puntland ayaa horay u qadacdey wadahadalkaan burburay.

Puntlandi.com Jabuuti

<