Madaxweyne Deni ‘Puntland warkeedu waa cadyahay, Shir aanaan qayb ka ahayn wixii kasoo baxa ma ogolin”

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta la hadlayay Xildhibaanada Puntlanf wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayo wax alaale iyo wixii Umada Soomaaliyeed Dani ugu jirto, oo aan wax u dhimayn Xuduuda Puntland.

Hadalka Madaxweynaha ee ku aadanaa Shirka Jabuuti wuxuu uga hadlay qaabka Puntland markasta shirar noocaas ah ay uga hadli jireen, oo ahaa inaysan Puntland aqbalayn Natiijada maadaama ay miiska ka maqan yihiin.

Madaxweynaha Deni wuxuu ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado shir looga arinsanayo Doorashada Soomaaliya isagoo sheegay in qashinka lagu darayo Qorshaha Xukuumada ee Doorashada, wuxuuna raaciyey in Qorshahaan ay Villa Soomaaliya ka dhex aragto dano gaara oo Doyaasadeed.

Hadalka Madaxweyne Deni waxaa ka muuqdaa in Puntland ay ka aamin Baxdey Villa Soomaaliya, isla markaasna uu jiro shaki ku aadan Qaabka loo aamini karo Madaxda Villa Soomaaliya.

Gudigii uu Magacaabay Aqalka Sare ayay Puntland soo dhaweeyeen.

Puntlandi.com Garowe

<