Warsaxaafadeed, Jubbaland oo ka jawaabtay Aqoonsiga Dowlada Federaalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Dowlada Federaalku ay had iyo jeer ku dhaqaaqdo talaabooyin ka hor imaanaya Dastuurka, iyadoo Dadtuurka Federaalku uu awood buuxda u siinayo Dowlad Goboleedyada Doorashooyinkooda.

Jawaabta Jubbaland ayaa ka jawaabaysa Qoraal ay maanta soo saartay Dowlada Federaalka kasoo lagu sheegay in Xukuumada Federaalku ay aqoonsan tahay Madaxweyne Axmed Madoobe isla markaasna Xil sanadeedkiisu yahay Laba sano.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu hada Xilka hayaa Sanad waxaana u harsan mudo Sadex sano ah, Dastuurka Federaalka meelna lagama Qora in Madaxweynaha Dowlada Federaalku uu jaan Hooyo mudada Xilka Ee Nadaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, LAAKIIN sida ku muuqata Qoraalkii Dowlada Federaalku ay maanta soo saartay wuxuu Madaxweyne Farmaajo uu Jubbaland u magacaabay Inuu laba sano Xilka hayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Jubbaland

<