War Deg Deg Ah ..Saleebaan Gaal “ Wadahadalkii waa burburay”

Gudoomiyaha Guurtada Soomaaliland Saleebaan Gaal oo isla markaasna ahaa Ninka labaad ee Wafdiga Soomaaliland uga qayb galayay Wadahadalka Jabuuti ayaa sheegay in Wadahadalkii judhii horeba lagu kala kacay.

Saleebaan Gaal wuxuu sheegay in Qolada Muqdisho ka socotay ay diideen inay ogolaadaan in la hirgaliyo Heshiisyadii ay horay u saxiixeen Xukuumadihii hore ee Villa Soomaaliya.

Soomaaliland waxay soo bandhigeen oo Shirka ku bilaabeen in marka u hotæraysa ay Madaxda Dowlada Federaalku ay ogolaadaan inay aqoonsan yihiin Heshiisyadii hore, sida muuqatana Way ka caga jiideen.

Hoos ka daawo waraysiga Horn Cable TV ay khadka teleefoonka kula yeesheen Saleebaan Gaal

<