War Deg Deg Ah :- Ajandaha Shirka Jabuuti

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa warar hordhac ah ka heshay Kulanka beri dhexmari doona Madaxda Dowlada Federaalka, Madaxda Soomaaliland , Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti.

Ajandayaasha Shirka waxaa kamid ah Qodobo muhiim u ah Soomaaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, waxayna u muuqdaan kuwo ay ogolaansho doonaan Madaxda Villa Soomaaliya oo iyagana balanqaad hoose lasiin doono.

Qodobada ugu muhiimsan waa sidaan

*Waxaa Jabuuti looga wadahadlayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixo Heshiis lagu adkaynayo Heshiisyadii horay loo wadagaaray, waa dhamaan Heshiisyadii Dowlihii hore ee Soomaaliya ay lagaleen Soomaaliland.

*Waxaa kaloo Jabuuti ka bilaabanaya ayna Madaxda Soomaaliya Saxiixayaan Heshiis Is afgarad cusub oo wadada u xaaraya in si tartiib tartiib ah ay Soomaaliland u hesho 10 sano oo Dowladnimo tijaabo ah, tobanka sano waxwalba Way u maxbanaanaanaysaa, waxay xitaa si toosa u gali kartaa Heshiis Caalami ah, tobanka sano ka dib waxaa Cod laga qaadayaa Shacabka Deegaanada Soomaaliland oo u Codayn doona inay Soomaaliya ka go’aan iyo inay Soomaaliya ahaadaan. (Waan go’ayna Iyo Ma go’ayno, Waaxaana guulaysanaya qoladii hesha 60% codka).

Waxaa habaal ah in hadii heshiis lagu saxiixo Jabuuti ay qodobadaan ku jiraan, laakiin waxaa loo badinayaa in Xukuumada Soomaaliya ay Shacabka ka qariso Xaqiiqda ay saxiixeen.

Raysal wasaaraha Itoobiya muhiim ayay u tahay in Heshiis lagu kala saxiixdo waayo waxay xoojinaysaa Biladii Nobel ka ahayd ee uu ku guulaystay Sanadkii hore, waxaa kaloo jira dano gaara oo ka dhexeeya Adis Ababa iyo Hargeysa oo ay doonayaan inay u Madaxbanaanaadaan.

Puntlandi.com Adis ababa

<