Maswirka Maanta : – Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo Beesha Isaaq oo maanta ku kulmay Jabuuti iyo Horgalyaashii Harti oo Goobta ka maqanaa.

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Aqalka Madaxtooyada Jabuuti shir dibu loogu soo celinaayo wadahadaladii u dhaxeeyey Dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed iyo maamulka Somaliland oo in mudo ah hakad ku jiray.

Shirkaa maanta oo muhiim ahaa oo ay dhexdhaxdiyaal ka ahaayen Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelleh iyo Raisal Wasaaraha Ethiopia Ato Abiy Ahmed waxaa dhanka somaaliga uga qeyb galay :

1.Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2. Raisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Xasan Cali Kheyre.

3. Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Dhanka Maamulka Somaaliland waxaa kulankii maanta uga qeyb galay oo kaliya laba xubnood oo ka soo jeeda Beesha Isaaq oo kala ah.

1.Madaxweynaha Maamulka Somaliland Gashaanle Muse Biixi Cabdi.

2.Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Gaal.

Iyadoo ay madaasha iyo Wadahadaladaas taariikhiga ah ay ka maqnaayeen Horgalayaasha ka soo jeeda Beesha Harti ee xubnaha ka Golayaasha kala gedisan ee Maamulka Somaliland.

Waxaan weli Dawlada Jabuuti oo shirka martigaliysay ayaan weli soo bandhigin Ajandayaasha shirka looga hadalaayo iyo mudada uu soconaayo.

Isha ku hay oo kala soco Puntlandi wararka shirka.

<