Breaking News— Shirkii Jabuuti oo maalintii kowaad lagu kala kacay

Waxaa maanta Jabuuti ka furmay Wadahadalkii Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland, Shirka ayaa Ajandihiisu wuxuu maanta ahaa furitaan iyo Khudbado guud.

Mudadiibuvdambaysay kulanka maanta ayaa waxaa ka dhashay Buuq sababay in Shirku uu hakad galo, Masuuliyiintii ka socdey Soomaaliland ayaa waxay ka caroodeen Khudbadii uu jeediyey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii kusoo daray hadal hoos u dhigaya hamiga Soomaaliland, kana dhigayay mid kamida Maamulada ka jira Soomaaliya sida Galmudug.

Arintaas ayaa sababtay in Buuq iyo hadalo kulul la isdhaafsado.

Muuse Biixi Madaxweynaha Soomaaliland oo Mikarfoonka koobay ayaa yiri “ Qoladaan diyaar uma aha Wadahadal haku laabteen Muqdisho”.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa hadalka la wareegay wuxuuna sheegay in kulanka maanta uu xiran yahay, isla markaasna beri lasii wado doono”.

Puntlandi.com Jabuuti

<