Hirgalinta Nidaamka Asxaabta badan ee Puntland oo khatar ku jira

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Team-kiisa Golaha Wasiiradu waxay xili wanaagsan bilaabeen xaarxaarkda wada Puntland u marayso Nidaamka Asxaabta badan.

Gudi Doorasho oo dhamaystiran ayaa la sameeyey, Waxaa bilaabatay Diiwaanngalinta Xisbiyada, wacyigalinta ku saabsan Dimoqoraadiyada iyo qaabka wax loo doorto ayay sameeyeen Gudiga Doorashada iyadoo ay cagta soo mariyeen inta badan Degmooyinka Puntland ka kooban tahay.

Madaxweyne Deni wuxuu balan qaadey in dhowaan ay Shacabka Puntland u dareeri doonaan Doorasho heer Degmo iyo Gobol ah, tasoo u gogol xaaraysa Doorashada Baarlamaanka.

Waxaase maalmahaan soo baxaya Shaqsiyaad lugta haya Barnaamijka Dimoqoraadiyenta ee Madaxweyne Deni uu doonayo inuu Puntland ka hirgaliyo, Dadka ku howlan marin habaabinta Barnaamijkaan ayaa waxaa kamid ah qaar aad uga agdhow Madaxtooyada, kuwasoo wada ooraahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Qawda maqashii waxna ha qaban”.

Kooxdaan waxay maalmahaan adeegsanayeen ayna qiil ka dhiganayaan in Xanuunka Corona Virus awgiis aan la sii wado Karin howlihii Domoqoraadiyanta Puntland, iyagoo horay isugu dayay inay Marin habaabinayo Shaqada Gudiga Doorashada.

Qaar kamida Siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood ka hadlay Barnaamijka Dimoqoraadiyaynta Puntland waxay Amaaneen Madaxweyne Deni qaabka uu u bilaabay Barnaamijkaan iyo Xiliga uu bilaabay oo ahaa maalmihii ugu horaysay oo uu la wareegay Xafiiska.

Siyaasiyiinta Puntland qaarkood waxay Digniin u direen cid walba oo isku dayda inay hor istaagto Barnaamijkaan.

Puntlandi.com Garowe

<