Farax Maxamuud Aw Cusmaan : – Aragtidayda Wada hadalka Farmajo iyo Muse Bihi waa ! ” Ninkii tiisa daryeelaa, tu kale ku dara”

Ummada Soomaaliyeed cirif ilaa cirif colaad iyo dhibaatooyin badan ayay soo mareen, kuwaas oo ay qaarna gaysteen nidaamkii keligii taliska ahaa, qaarna ahaayeen wixii laga dhaxlay nidaamkaas oo ahaa dagaaladii qabiilka iyo burburkii qaranimadii Soomaaliyeed.

Hadaba sidii loo kala hayaamay oo loo kala baqa cararay, weli may dhicin meel ummadda Soomaaliyeed si bisaaroxo ah ay isku soo horfariisteen oo uga xaajoodaan iskana xaal-mariyaan wixii dhacay.

Shirarkii shisheeyuhu wadamada deriska ah inoogu qabtay waxay ahayd “political reconciliation” iyo sidee dowlad loo dhisaa, ee may ahayd “social reconciliation” ama dib u heshiisiin bulsho. In dowlad ku sheega la soo dhoodhoobay ay ilaa maanta caga dhigan waydana waxaa keenaya maqnaanshaha dib u heshiisiin run ah iyo inaan “power and resource sharing” lagu heshiin weli.

Ka sii daranoo kuwa hogaanka maanta dalka haya iyo kuwa isku baxshay “saamilayda siyaasadeed” ama hagbadlayaasha siyaasadeed, labaduba waxay naf moodeen oo maanta xal ka doonayaan wixii markii horaba dalka dumiyay ummada Soomaaliyeedka isku diray “waa Qabiil iyo Nidaam keligii talis ah oo Central Government ah”.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ninkii tiisa daryeelaa, tu kale ku dara” , President Farmaajo isagoo Xamar xasil waayay, oo dowladihii xubnaha ka aha Federalka inuu horfariisto oo arimaha masiirigi ah kala xaajoodo ka madax adaygay, ayuu iminka wuxuu naga dhaadhicinayaa waxaan hor fariisanayaa President Muse Biixi.

Tabashada Somaliland maaha mid uu Farmaajo wax ka qaban karo, xataa fahmi karo, iska daa xal uu ka keenee. Sidaa awgeed, kulankani maaha mid maslaxa doon, ee waa kulan ay soo abaabuleen sadex masuul (PM Abiy Ahmed, Pre. Ismail Omar Gelle iyo Pre. Farmaajo) iyo xulafadooda shisheeye, kulankaanoo ah indho sarcaad bulshooyinka Geeska looga sii jeedinayo fashil siyaasadeed ee gudaha ka haysta sadexdaan masuul.

Waxay kuligood ka siman yihiin madax adayg, kursi jecayl, ku darsasho aan sharci ahayn iyo ka warwareeg doorasho xor ah oo xalaal ah iyo inay hor fariistaan oo talada dalalkooda wax ka siiyaan ummada iska leh.

Kolkaa, shirkani maaha mid wax weyn ay ka soo baxayaan, xataa hadii qodobo lagu soo xarxariiqo warqad la leeyahay ‘waxaa la isla gartay”, walaa Farmaajo, walaa Muuse Biixi ma awoodi doonin inay bulshooyinkooda ka iibiyaan.

Ummada Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oon is huri doonin, maray noqonta ka heshiin doono wixii soo kala dhex maray, bog cusub iyo nabad ku noolaan siday doonto ha u ekeeteena gaari doono, laakiin qaabka maanta wax ku socdaan, kala fogaanshaha fikirka, maqnaanshaha dadkii arintani khusaysan ama ku haboonaa inay galaan, iyo maqnaanshaha dowlado ama hogaan kalsooni 100% bulshooyinkooda ka haysta waxay inoo sheegaysaa in wax weyn oo sidaa u sii buurani aysan kulankan ka soo baxayn.

Ragga meesha ku kulmi doonaana uu nin walba ku noqon doono aqalkiisii , oo ay sugayso mushkiladihii horyaalay.

Marka President Farmaajo waxaan leeyahay “Waxaadan hurayn, horaa loo qabtaa” , ismaaweelinta iska daa, Abiy iyo Geelle iyagay toodii haysataa, kolkaa talada dalka iyo arimaha ku horyaal, keligaana aadan awooda u lahayn inaad fuliso, dadkay khusayso ka talo-geli, dalka sidii wacnayd ee laguugu dhiibay ee labo Madaxweyne hore hareeraha kaaga taagnaayeen taladiisi hadii lagaa adkaadana ku wareeji, hadii aad guulaysatana ku sii hayn, laakiin sheekadaan indho sarcaadkaa Soomaali waa wada siyaasiye naga yaree, masaajidna cayaarta ka daa.

Geopolitical shisheeyaha ee Geeska laga leeyahay, gaar ahaan Soomaaliya, iyo tartanka khayraadka Africa ee ka dhexeeya dalal badan, waa mid aan laftigeedu ka marnayn waxa socda, laakiin, nasiib darada haysata dalalkaas ayaa ah, rag ku fashilmayn siyaasada dalalkooda oo kacdoon bulsho wada haysto gabalkooduna sii dhacayo ayaa qoorta loo suray. Marka arinkani waa another important issue xiligeeda iyo goobteeda in looga hadlo aan ka fursan doonin….

<