Bosaso oo Afar qaybood loo qaybiyey , Sawiro

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Maxamed Dhabancad ayaa maanta Bosaso ka daahfuray Barnaamijka Bashinta Maamulka ee Magaalada Bosaso.

Magaalada oo sanadihii u dambeyey aad u kortay isla markaadna Bulshada Sadex jibaarantay ayaa sababay in la baahiyo Maamulka loona qaybiyo Magaalada Afar Xaafadood.

Cabdisalaan Bashiir, Gudoomiyaha Bosaso ayaa sheeca ka qaadey in Bosaso loo qaybiyey Afar qayb oo kala ah Bandar Qasim, Baalade, Biyo kulule iyo Buurcad, Qayb walbaana ay yeelanayso Adeeg u gaara sida Saldhig Boolis, Xafiis Dowlada hoose oo ay u dhan yihiin Dhamaan Adeegyada, sida Xafiiska Canshuuraha, Xafiiska Dhul bixinaa, Xafiiska kaarka minishiibiyo (ID Card).

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo Xariga ka jaray Qaybinta Boosaso ayaa sheegey in koritaanka Magaalada ay lagama maarmaan noqotay in Bulshada loosoo dhaweeyo Adeegyada Dowliga ah si Shacabka loogu sahlo iney si dhib yar u helaan Adeeg hufan Amaankoodana loo sugo.

Shacabka Bosaso ku nool waxay ku dhow yihiin 1.8 Milyan oo Qof.

Hoos ka daawo Sawirada

<