Abiya Ahmed oo Jabuuti u wareejiyey Wadahaalkii Dowlada Federaalka iyo Soomaaliland

Waxaa laguwadaa inuu kulan dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi kulankaasoo uu marti galin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa Sheegaya in kulankaan uu yahay kii uu Raysal wasaaraha Itoobiya uu doonayay inuu ka dhaco Hargeysa.

Wararku waxay sheegayaan in Raysal wasaaraha Itoobiya uu ka codsadey Madxweynaha Jabuuti in Shirka lagu qabto Magaalada Jabuuti maadaama ay Booqashadii Hargaysa ay fashilantay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi ayaa lagu wadaa inay U duulaan Jabuuti, kulankooduna wuxuu dhacayaa bilowga Todobaadka soo docda.

Puntlandi.com Nairobi

<