Howlgalka baaxada weyn ee ka socda Xaafada Baraxlay Sidee ku bilowday

Mudo laba todobaad laga joogo Waxaa Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo ka bilowdey Howlgal Al-Shabaab looga sifaynayo Xaafada Baraxley oo ka mida Shanta Xaafadood ee Magalada Gaalkacyo, kasoo ay Wadaan Boolis iyo Ciidan dharcad ah.

Booliska Xaafada ee Galmudug iyo Booliska Magaalada Gaalkacyo oo iska kaashanaya iyo Ciidamada Sirdoonka Puntland oo kaashanaya Ciidanka Danab Galmudug ayaa howsha ugu wayn wada.

Muxuu yahay Ciidanka Danab Galmudug

Ciidamada Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS waxaa kamid ahaa Ciidan Asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Mudug kuwasoo dhaqaale iyo gacan BA haynaa ka helayaa Dowlada Maraykanka.

Mudo hada Sanad laga joogo ayaa waxaa Galmudug loo sameeyey Ciidan Sirdoonka ah oo kamida kuwa Puntland, waxaana PIS lagasoo soocay Ciidankii ku hayn tirsanaayey Galmudug, waxaana la aasaasay Ciidan La dagaalama Argagixisada oo Xarun looga dhogay Xaafada Baraxley, waxaana loogu waan qalay Ciidanka Danab, Danab waxaa iyana la yiraahdaa Ciidanka uu Maraykanku gacanta ku hayo ee ku sugan Muqdisho.

Hadaba Maamulka Cusub ee Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen in la iska kaashadaan Amaanka Magaalada Gaalkacyo si taas loo taaba galiyaan waa in si wada jir ah Al-Shabaab looga sifeeyaan Xaafada Baraxley oo ay mudo toban sano ah ay deganaayeen kuna dhex milmeen Shacabka Xaafada.

Ciidamada PIS-tá , Danab Galmudug iyo Booliska labada dhinac ayaa si buuxda isaga kaashanaya Howlgalkaan oo ilaa hada lagusoo qabqabtay ku dhowaad 27 Qof oo Al-Shabaab ahaa oo ay ku jiraan Madaxdii Al-Shabaab Gaalkacyo, laba Nin oo dhaqaalaha u qaabilsanaa iyo Xarun geyrash ah oo Qalabka lagu rakibo Laguna kaydiyo.

Shacabka Xaafada aad ayay u yaabeen markay maqleen Dadka la qabqabtay waayo waxaa ku jiray Ganacsato iyo Shaqsiyaad aad looga yaqaanay Xaafada kuwasoo kamid ahaa Bulshada Xaafada balse Xaqiiqdii ahaa Al-Shabaab gumaada Shacabka iyo waxgaradkooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qayb wayn ka qaatay abaabulkii Howlgalkaan ayaa amaanay qaabka ay Ciidamadu u wajahan Howlgalka.

Hada wali howlgalku wuu socdaa waxaana la filayaa in marka uu dhamaado Howlgalka Xaafada Baraxlay , uu isna bilowdo howlgal ka dhan ah Degmada Xarardheere oo ah Xudunta Al-Shabaab, Howlgalkaasna waxaa iska Kaashanaya doona Puntland iyo Galmudug si Gobolka Mudug looga dhigo meel laga sifeeyey Al-Shabaab.

Hoos ka daawo Viseo shir jaraa’id ah

AE7A62A8-D95F-49FC-8511-56215BE6ABDD-1
<