Faalada maanta… Muxuu yahay ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo, Maxaa iskusoo aadiyay Qaylada Maamul Goboleedyada iyo kan Beesha Caalamka

Bilowgii todobaadkaan waxaa halmar Hawada soo galay Qoraalo ka dhan ah Xukuumada Federaalka, Warbaahinta Puntlandi.com ayaa Xog dheeri ah ka heshay sababta iskusoo aadiyey Qoraalo ka dhan ah Xukuumada Federaalka.

Qoraaladaan waxay usoo kala baxeen sidaan…

1- waxaa Qoraal soo saaray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaadhi, Qoraalkaasoo lagu dhaliilay Xukuumada Laguna baaqay shir degdeg ah oo dhexmaray Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Fowlada Federaalka si looga wada hadlo Dooradhada.

2 Waxaa xigay Qoraalkii canaantay ka muuqatay ee uu soo saaray Safiirka Maraykanka ee fadhiya Soomaaliya Ambasador Donald Yamamoto, Qoraalkaas waxaa lagu amray Villa Soomaaliya inay la shiraan Dowlad Goboleedyada .

3-Waxaa xigay Warsaxaafadeedkii Dowlada Puntlnd oo isna eedeyn dusha looga tuurayay Villa Soomaaliya, lagun baaqay in Shir deg deg ah la isugu yimaado si looga arinsado. Xaalada Dalka.

4- Mdaxda Xisbiyada Qaran oo ay hormuud u ahaayeen Madaxweynayaashii hore Xasan iyo Shariif ayaa iyana Shir Jaraa”d qabtay kasoo Xukuumada lagu eedeeyay Laguna baaqay in Dalka la badbaadiyo.

5-Jubbaland ayaa iyan Soo saaray Warsaxaafadeed u eg kii Puntlanf.

6- Waxaa si Lama filaan ah suuqa Mucaaradka Villa Doomaaliya ugusoo booday Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Waare, wuxuu isna soo saaray Warsaxaafadeed Lama filaan ah oo kasoo hor jeeda Villa Soomaaliya, uuna ku taageeray Hadalkii Gudoomiyaha Aqalka sare, Waare wuxuu ka mid ahaa Saaxiibada Villa Soomaaliya sidaas awgeed Lama filaan ayuu ahaa Qoraalkii shalay kasoo yeeray.

7- Waxaa mar kale soo rogaal celiyey Safaarada Maraykanka oo shalay oo Talaado ahayd soo saaray Warsaxaafadeed kale oo isna ay ku baaqeen in Shir deg deg ah la isugu yimaado.

Hadaba muxuu yahay guuxaan Siyaasadeeysan ee halka mar lagu furay Villa Soomaaliya

Xogta rasmiga ah ee Warbaahinta Puntlandi.com ay heshay waxay sheegaysaa in Maamul Goboleedyada qaarkood ay Warqad u direen Beesha Caalamka Dhanaadkii bishii hore ee May, Warqada oo ahayd mid dheer waxaa looga ashtakooday Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyey iney jabisay Sharuucdii Dalka , uuna Dalku ku socdo wado kharætara.

Sida aan xogta ku helnay waxaa Qoraalka loo diray Beesha Caalamka ku calaamadeysnaa Qofobobdhowra oo la sheegay in ay Dowlada Federaalku ay si cad uga caga jiiday ama u dafirtay, waxaa kamid ah in Villa Doomaaliya ay marin habaabinayso Nidaamkii Federaalka, Doorashada iyo Jiritaanka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, si qodo waxaa kaloo Qoraalka si qodo dheer loogu sharaxay inta jeer ee Maamul goboleedyadu isku dayeen inay la shiraan Madaxda Dalka Balse ay Villa Soomaaliya si cad iyo si dadban u diideen.

Qoraalka waxaa kaloo ka mid ahaa oo lagu sheegay in Villa Soomaaliya aysan Diyaar u ahayn in Dalka Doorasho ka dhacdo balse Ay wado maaeeelin iyo wakhti lumis, waana tan horseedi doonta burbur iyo dib u noqosho, sida lagu xusay Qoraalka.

Hadaba Qoraalkaan ay direen Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa sabab u ahaa ololaha xoogan re todobaadkaan bilowdey, waxaana muuqata marka la eego qaabka loogasoo jawaabay Qoraalka aan kor ku xusnay, in Beesha Caalamku ay iyaga qudhoodu dareensanaayeen Dhamaan qodobada ku Cusbaa Qaraalka Dacwada ah, waxaa taas kuu cadeynaya qaabka ay ugasoo jawaabeen. Waxaa xitaa muuqata inay Beesha Caalamku hada wado faragalin toos ah oo ay ku sameysay Maamuladii jeebka ugu jiray Dowlada Federaalka ah, tusaale Hirshabeele,,

Maalmaha soo socda waxaa iyana dhici doona isbadalay muuqda oo kusoo biiri doona saacada Siyaasada Soomaaliya.

Puntlandi.com Nairobi

<