Breaking News— Maraykanka oo QM ka codsadey iney shir u qabtaan Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.con ay heleen ayaa xaqiijinaya in Safaarada Maraykanku ay Xiriir ay la sameeyeen UNSOM ay ka wada hadleen Xaalada Siyaasadeed ee kasoo daraysa Soomaaliya.

Wadahadalkaas waxaa kasoo baxay in Qaramada Midoobay ay shir u qabato Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, Taasoo uu aqbalay James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya.

Hadii táni rumowdo waxay ka dhigan tahay in Dowlada Federaalku ay ku guul daraysatay kuna fashilantay tay Siyaasadii iyo Mandate-kii loo siiyey iney Dalka gaarsiiyaan Doorasho.

“Waa fashil iyo fadeexad in maanta qaab u eg kii Xiliyadii Kumeelgaarka dib loogu noqdo 7 sano kadib, sida muuqatana hadii Shirkaan ay qaban qaabiyaan UNSOM , waxay ka dhigan tahay Nin inuu iscasilo xitaa laga quustay oo talada laga faramaroojinayo” Sidaas waxaa yiri Dublamaasi sare oo Soomaali ah oo aanaan magacaabayn magiciisa.

Jubbaland aad ayay usoo dhaweysay in Shirka ay qaban qaabiyaan Qaramada Midoobay sida uu noo xaqiijiyey Sargaal ka tirsan Xukuumada Jubbaland.

Puntlandi.com

<